Shir looga hadlaayo arimaha Qaxootiga oo Muqdisho ka Furmay

Xarunta shirar Xalane ee magaalada muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmay shirweynaha qaran ee sidii xalwaara loogu heli lahaa Xootiga dalka kusoo laabanaya.

Shirweynahaan oo ay soo qaban qaabisay ha,ada UNHCR ayaaa waxa uu soconayaa 3 maalmood waxaana diirada lagu saarayaa xaalada ay ku suganyihiin qoxootiga soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.

Munaasibadaan ayaa Waxaana ka soo qeyby galay Raysulwasaara ku xigeenka xukumada mudane Mahdi wasiirka arimaha gudaha wasiirka dasduurka wasiirka dhalinyarada iyo sportiga wasiirka caafimada wasiirka qorsheynta iyo ergooyin ka socday maamul goboleedyada dalka.

Intii ay socotay munaasibada ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay musuuliyiintii ka soo qeybgashay waxa ayna awooda saren in xalwaara laga gaadho dhibaatada ay kujiraan qoxootiga soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo Maxamed diiriye “runtii maanta wa maalin aad uweyn waxa laga hadlayo qof walba oo soomaalinimo kujirto waa uu udanqanaya waxaan leeyahay waa malin qaran maanta halkay joogto waa meel aan ku faanikaro 28 August 2017 maanta in la soo bandhigo si waa arin wanaagsan soomaaliya waxaa ku soo baranayo barakacyaasha soo labanayaa kuwaas oo dib ugu soo labanayo dalkooda hooyo Markaa aan dhiirigalin oo garab istaagno waxaa jiro soomaali badan oo qoxooti ku ah dalka dibadiisa kuwas oo aan helin xaquuq.

Dhawan reysulwasaaraha mudane xasan Cali kheyre ayaa soomaali badan oo ku xidhnaa xabiyada dalka itoobiya ka soo dayay runtii arintaas soomali badan ayaa uriyaaqday Markaa aan la sheyno madaxda diyar ma utihiin inaad la shaqeynaysan sara ha loo kaco “sidaa waxaa tidhi wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo sports khadiija Maxamed diiriye.

Sidookale waxaa munaasibada qudbada ka jeediyay wasiir wasaarada arimaha gudaha iyo dib uheshiisinta cabdi faarax seed  (juxa) wuxuuna aad ugu dheeraday xalaada qoxootiga soomaaliyeed ee ku noool dunida.

Ugu danbeyn waxaa munaasibada soo xidhay reysulwasaaraha ku xigeenka xukumada fedraalaka soomaaliya mudane mahdi maxamed guuleed isagoo qudbad dheer ka jeediyay munaasibada ayaa sheegay inay soomaaliya ay soo martay dagaalo sokeeye iyo abaaro soo laab labatay kuwas oo sababay inay shacabku barakco markaa waa in lahelaa xal iyo xaluu oo nabada ka shaqeyno waana mid inaga wada go.an oo aynu helno xal midho dhal ah oo aan sameynaa goobo waxbarasho iyo caafimaad si ay nolol uhelaan qoxootiga soomaaliyeed ee soolabanaya oo ay helaan xalwara oo ku qotoma siyaasada xukumada ayanu masxkada ka shaqeysiino”waxaa yidhi reysulwasaaraha ku xigeenka xukumada Mahdi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.