Guddigii Loo Xil Saaray Dhacdadii Deegaanka Bariire oo Gaaray Deegaankaas

ducale

Deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose waxa maanta gaaray Guddigii Dowladda Federaalka Soomaliya ay u xilsaartay in ay warbixin ka keenaan weerarkii lagu laayay dad shacab ahaa oo ku sugnaa beer ku taala deegaankaas.

Wafdigaa waxa Hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale,waxaana kamid ah mas’uuliyiin ka tirsan Dowladdda Soomaliya.

Guddigaan ayaa la kulmay odoyaasha dhaqameedyada ka soo jeeda dadkii lagu diley Bariire,waxayna kawada hadleen sidii arinta loo guda gali lahaa, loona ogaan lahaa xaqiiqa dhacda meesha ka dhacday ee lagu laayay 10-ruux.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay ugu horeyn in la tago goobta uu shilku ka dhacay.

Guddigan ayaa la qorsheynayaa in ugu dambeyn ay maalinta Arbacada ah soo gudbiyaan warbixin ka hadlaysa dadkii la dilay iyo natiijada ugu dambeysa ee dowlada ay ka gaareyso.

Dhanka kale meydadka dadkii lagu laayay weerarkii ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu hayaa garaash ku yaal Magaaladda muqdisho,waxaana la galiyay Gaboojiyayaal sida aysan isku badalin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.