Dhageyso:Taliyihii Boliiska Puntland oo ka hadlay Xilka qaadis lagu sameeyey

puntland

Taliyaha Booliska Maamulka Puntland C/Qaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoow ee Xarunta Maamulka Puntland,ayaa sheegay in shaqo joojinta uu ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay tahay mid sharci darro ah.

Ereg; ayaa sheegay in Madaxweyne Cameey uu isaga ku amray in uu Taliye qeybeed xilka ka qaado,laakiin uu Ereg ku jawaabay Madaxweynaha in uu warqad soo qoro,kaddibna uu madaxweynaha ku hanjabay in uu isaga shaqada ka joojinayo.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in 13 dhallinyaro ah oo la xiray caddeyn la’aan uu Taliye qeybeed xabsiga ka siidaayay kaddib markii ay xirnaayeen 5 maalmood,Maxkamad la’aanna ku jireen,isaga oo intaas ku daray in qeybta Garsoorka soo aragtay,taas oo uu ka carooday Cameyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.