Akhriso:-Aqalka Sare oo Guddi u Xil Saaray Weerarkii Ka Dhacay Deegaanka Bariire

Guddoonka Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa labo guddi oo ka tirsan guddiyada aqalka sare u xilsaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaliya xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa guddiyadan u xilsaaray weerarkii deegaanka Bariire, kadib markii qaar kamid ah xubnaha aqalka sare ay ka hadleen dhacadadii dadkaas lagu laayay.

Guddiyadda loo xilsaaray kiiskaas ayaa kala ah Guddiga amniga iyo guddiga arrimaha gudaha ee aqalka sare waxaana laga doonayaa inay warbixin ka keenaan sida uu u dhacay weerarkii Bariire iyo waxyeelada ka dhalatay.

Senetor Maxamed Amiin guddoomiyaha guddiga amniga iyo guddoomiyaha guddiga arimaha guddaha ayaa la filayaa in baaritaankooda waxyaabaha ay kusoo ogaadaan ay ku wareejiyaan guddoonka aqalka sare.

Dhanka kale Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaank xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in markii ay helaan warbixin rasmi ah ay soo saari doonaan warsaxaafadeed dhacadadaasi la xiriira.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaliya ay ka hadleen weerarkii lagu laayay dad beeraley ahaa oo ku sugnaa beer ku taala deegaanka Baririre ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.