Dawlada Qatar oo Sheegtay in ay Sii Wadi Doonto Deeqaha ay Siiso Dowlada Soomaaliya

Hay’adaha deeqaha dalka Qatar ayaa sheegay in adeego caafimaad oo lacag la’aan ah in ay gaarsiiyeen deegaanada baadiyaha ah ee abaaruhu ku dhufteen.

War saxaafadeed ay soo saartay dowlada Qatar ayaa lagu sheegay in tan iyo bishii March ee sanadkan in la dabiibay dad ka badan 35,000 oo qof oo jirooyin kala duwan qabay.

Xafiiska hay’adda deeqaha Qatar ay ku leedahay soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in sanadkan gudahiisa ay ka howlgaleen goobo badan oo abaaruhu ay ku dhufteen iyagoo daaweeyay cuduro ka dhashay abaaraha oo dadku ay la’iil darnaayeen.

Waxaa ururkan deeqaha u qaabilsan Qatar uu sidoo kale sheegay in howlgaladan laga fuliyay magaalooyinka Basoso, kismayo iyo Mogdishu halkaa oo ay ku yaalaan xerooyin baracayaal oo nolol xumi ay ku heysato.

Waxaa hay’adda deeqaha Qatar ay sheegtay in daryeel caafimaad, iyo talooyin caaafimaad in la siiyay barakacaaysha si looga hortago cudurada faafa.

Dowlada Qatar waxa ay tilmaamtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowlada soomaaliya si looga soo kabto xaaladaha ka dhashay abaaraha dalka ku dhuftay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.