War Qoraal ah oo ka soo Baxxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshasdaha Dowlada Somaliya ( DAAWO SAWIRADA)

Warmurtiyeed ka soo Baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya oo ay ku saxiixan tahay wasiirka Wasaaradaasi Khadra Axmed Ducaale oo Nuqul ka mid ah ay heshay Warbaahintu ayaa waxaa si cad loogu xusay in gabi ahaanba la Xirey rugtii ganacsiga iyo Warshadaha Somaliyeed isla markaana aanay Jirin Cid Sheegan karta masuuliyada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka

qoraalka ka soo Baxay wasaarada ayaa sidaan u qornaa

:Dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed

Ku : Dhamaan Wasiirada ganacsiga soomaaliyeed Muqdisho

Ku : Saxaafada Madaxa Banaan Gudaha iyo Dibada Muqdisho

Og : Dhamaan Rugaha Ganacsiga ee Maamul Goboleydyada dalka. Muqdisho

Og : Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Muqdisho

Og: raiisal wasaaraha XFS

Og : Madaxweynaha JFS

Ujeedo : Dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Markii aan arkey Sharciga No . 22 taariikh 2.Nov. 185.Markii aan arkay Qodobka 10aad farqadiisa 4aad eeXil heynta Mudada Maamulka Rugta .markii aan arkay qodobka 17aad farqadiisa 3aad ee Qeexaya haddii dood ka timaado Sharci nimada Doorashada Gudiga rugta .markii aan arkey qodobka 20aad farqadiisa 3aad oo sheegaya waxa lagu maareynayo muranka shaqaalaha rugta oo ah Xeer uu soo saaro wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahamarkii aan arkey Qodobka 22aad dhigaalka Bilowga ah :farqadiisa 4aad oo qeexaya Go.aamada Gudiga Maamulka oo ku saabsan qiimaha Dhigaalada waxaa xeer ku ansixinayaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha :Markii aan arkay Qodobka 26aad Kharashka :faqradiisa 3aad oo Qeexaya Maalgalinta waxaa shardi u ah Ogolaanshiyaha wasiirka Ganacsiga iyo warshadahamarkii aan arkey Qodobka 36aad Awooda wasiirka :farqadiisa 1aad oo Qeexaya wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha wuxuu rugta ku leeyahay ilaalin iyo Toosinmarkii aan arkey Qodobka 37 farqadiisa 1aad iyo 2aad oo sheegaya Xooghaayaha Joogtada ah ee Rugta oo aan ilaa iyo hada Wasaaradu Magacaabin .markii aan arkey khilaafka weyn u dhaxeeya dhinacyada isku haaya maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha ee Gobolka Banaadir iyo Laba Maamul oo is garab shiqeynaaya .markii aan arkey khilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya maamulkii hore ee rugta Ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed iyo ganacsato Mug leh oo canshuur bixiyayaal ah kana Cabaneysa rugtii hore Qoraalna soo gaarsiiyey Wasaarada iyo Madaxda sare ee Qaranka Qaarkood.markki ay suurto bi weyday in ay wax ku heshiiyaan inta miiska soo wada fadhiistaan labada dhinac ee isku haaya Maamulka rugta ganacsiga iyo warashadaha ee Gobolka Banaadir iyo Khiaafka kale ee u dhaxeeya rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Miisaanka leh oo ka soo horjeeda .markaan tixgaliyey in aanu jirin wax sharci ah oo ay ku dhisan tahay rugta ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed .markii aan dersay in aanu jirin wax warbixin ah oo ku saabsan howlahooda gudo iyo Diabad oo ay u soo gudbiyeen Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha .Markii aan dhageystay Cabashooyinka iyo tabashooyinka Ganacsatada Miisaanka leh oo iiga yimid gudaha iyo Dibadda dalkamarkii aan la tashaday dhageystayna Soo jeedinta Wasiirul dowlaha iyo Wasiirku xigeenadda.laga bilaabo maanata uu saxiixo wasiirku xeerkan waxaan la baabiiyay lana burburiyay jiritaanka  rugta ganacsiga iyo warshadaha somliyeed iyadoo la cuskanaayo sharciyada kor ku xusan.laga bilaamo maanta wareegtadan uu saxeexo wasiirku waxaa la joojiyay cid kasta oo la xiriiri jirtayama la macaamili jirtay ama macmiil la ahayd rugtii ganacsiga iyo warshadaha somaaliyeed in shaqada laga joojiyay dibad iyo gudaba.sida rugaha ganacsiga iyo warshadaha ee maamul gobeleedyada iyo kuwa caalamka,wasaaradu waxa ay soo cayimi doontaa wakhtigawakhtiga la qabaanaayo doorashada maamulka rugta ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed marka ay la tashato ganacsatada soomaliyeed ,rugaha maamul gobeleedyada iyo madaxda ay khusayso.laga bilaabo wakhtiga la sixiixo ma jirto shaqsi ama hay,ad sharci u haysata inuu ku hadlo magaca rugta ganacsiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.