K/Galbeed oo Dowlada Soomaaliya ka dalbaday in laga Tala giliyo Weerarada Sh/Hoose

koonfur

Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka K/Galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay kusoo wargeliso howlgallada laga fulinaayo degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay howlgallo badan oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah in laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose.

Fiqi ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada taageera in ay gacan ka siin doonaan howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, oo uu ka taliyo Koonfur Galbeed, si uu u yaraado khasaare soo gaara dadka shacabka ah.

Dhinaca Koonfur Galbeed ayaa Gudi u saartay weerarkii Bariire kuwaas oo ka Kooban Xildhibaano iyo Wasiiro sida uu sheegay Maxamed Xasan Fiqi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.