Diyaarad Duqeysay Magaalo Xeebeedka Caluula+Dhageyso

Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa ku waramaya in diyaarad dagaal ay saakay deegaankaas duqeyn ka geysatay.

Mid kamid ah dadka deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula oo la hadlay oo warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad  jawi hoose ku socotay ay duqeyn ka geysatay deegaanka islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray xoolo ay lahaayeen dadka deegaankas.

“Saakay Salaadii Subax diyaarad dagaal ayaa duqeysay deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula, dhawaqa rasaasta ay ridaysay ayaa laga maqlay deegaanka, goobta ay duqeysay ayaa ah goob ay ku sugnaayeen xoolo, waxaa jiro qasaaro soo gaaray xoolaha baaritaan ayaan wadnaa”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamul Goboleedka Puntland oo loogu hadlayo diyaaradda duqeysay degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.