Nin Xaaskiisa Si Naxariis daro ah ugu Dilay Gobolka Sanaag

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo si naxariis daro ah Xaaskiisa ugu dilay Deegaanka Fiqu filiye ee Gobalka Sanaag.

Ninkaan oo watay qoriga loo yaqaano AK47-ayaa si bareer ah rasaas ula dhacay Xaaskiisa oo u haysay 12-Caruurka waxay dadka deegaanka ay ku war heleen raasaas culus oo ka dhacaysay Guriga oo kolkaas aan lagu ogayn wax qilaaf ah oo u dhexeeyey Lamaanaha Carurta badan lahaa.

Rasaasta oo aad u badneyd ayaa dadku waxa ay moodeen iska Hor imaad meesha ka bilowday oo deegaanka ku soo fool leh hayeesha 12-Caruurta ah ee ay dhashay Hooyada Saygeedu uu dilay oo cararay ayaa lagu yaqiinsaday dilka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.