Akhriso:-Taliyihii Ciidamada Booliiska Puntland, oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha,  Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa shaqadii looga joojiyay taliyihii ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Farax Shire Ereg.

Shaqo joojintan ayaa loo adeegsaday arrimo ay kamid ahayd inuu kasoo bixi waayay waajibaadkii loo igmaday. Waxaa lagu dhaliilay inuusan qaab wanaagsan u maamulin arrimaha la xariira howlaha ciidanka Booliiska oo faraha kula jiro shaqooyin kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliye Ereg shaqo fariisintiisa sabab u tahay sii daynta maxaabiis ku xirnaa xasbiyada Puntland oo galay dambiyo kala duwan inkastoo aysan ku jirin shakhsiyaad ku eedaysnaa Al-shabaab

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxda Puntland dhowr jeer oo hore loo gudbiyay cabasho ka dhan  ah shaqada taliyaha Booliiska.

Shaqo fariisinta Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday waqti Madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Sacuudiga isagoo u aaday inuu soo guto Acmaasha Xajka oo maalmo kooban inaga xigto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.