Maamulada Khaatumo State iyo Somali-land oo Heshiis Wada Gaaray

Xubnaha wada hadalka maamulada  Khaatumo State iyo Somaliland ayaa heshiis kuwada gaaray magaalada Hargeysa waxaa ay ka soo saareen qodobo toban ah.
Wasiirka arrimaha maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaaa u akhriyey warbaahinta qodobada oo ay kamid ahaayeen in bisha 12-aad shir la iskugu yimado iyo qodobo kale oo aan waxba kaga duwanayn kuwii hore uga soo bixi jiray wada hadalada labada dhinac.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr iyo wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglo-toose ayaa kulanka ka dhex muuqday.

Qodobada Lagu heshiiyay

1: Waxaaan Tacsi u diraynaa Dadkii ku le’day Magaalada Buuhoodle.

2:Waxaan hambalyo u diray Odoyaashii ku guulaystaya Hawshaa .

3:In meel looga Soo wada jeedsado Xaalada adag ee la aloosan Buuhoodle .

4:In Faragelinta ay ku wadaan Puntland iyo Dowldda Somalia ay ka Joojiyaan Buuhodle .

5:In Caalamka aan u sheegayno wixii ka dhacay Buuhoodle ay ka masuul ka yihiin Maamulka Puntland iyo Dowladda Dhexe.

6:In Maamulka Garoowe uu masuul ka yahay dhibaatada ka dhacda Buuhoodle .

7:In Garaada iyo Guurtida  ay meel uga Soo wada jeedsadaan cida dhibaataynaysa Buuhoodle .

8:In Somalilad aanay Ogolaan doonin in Buuhoodle ay ku qabtaan Odoyaasha Dhulbahante shir looga tahasnay aayaha dadka deegaankaa Somaliland ay tahay dawlada dad ka iyo dalka .

9:In aanay Diyaaradaha iyo Hay’adaha aanay fasax la’aan isticmaali karin gegeda Diyaaradaha ee Buuhoode .

10:Waxaa la magacaabay gudi laba geesood ah oo abaabula shir wayne loo qabanayo dadka deegaankaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.