Madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo iyo wafti uu ho,gaaminayo oo saaka u anbaxay dalka masar

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi farmaajo iyo wafdi isugu jira xildhibaano & wasiiro ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Booqashada Madaxweynaha ee Masar oo ah mid rasmi ah ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu casuumaad uu ka helay dhiggiisa Masar Abdul Fatah Al-Sisi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta, Wasiiru dowlaha Waxbarashada, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Masar Abdul Fatah Al Sisi ayaa horay Madaxweynaha Soomaaliya ugu casuumay dalkiisa in booqasho rasmi ah ku yimaado, kaddib markii ay bishii May ee sanadkan isku arkeen shir ka dhacay dalka Sacuudiga.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo Masar ka mid tahay dowladaha sida daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la filayaa in maalinta berri oo isniin ah la kulmaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Qaahira.

Safarka Madaxweynaha ee Masar ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya mowqif dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga, Masar, Imaaraadka, Baxreyn iyo Qatar.

Masar ayaa ka mid ah dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee horay xiriirka ugu jray Qatar, waxaa la ogeyn saameynta iyo galaan galka ay ku yeelan karaan mowqifkii ay qaadatay dowladda Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.