Dhalxa oo sheegay in Awoodii dowladda dhexe iyo tii maamul goboleedyada ay noqdeen mid isku mida

dhalxa

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in ujeedkii iyo hadafkii laga lahaa nidaamka Federaalka uu ku socdo meel qaldan, isagoo xusay in awooda dowladda dhexe iyo tii maamul goboleedyada uu noqday mid isku dhex yaac ka jiro.

Xildhibaanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay la soo baxeen awood la mid ah tii dowladda dhexe, iyadoo dowladihii ay rabaan heshiis la geli karaan, kuwii ay doonaan xiriirka u jari kara.

“Federaalka micnaha iyo ujeedka laga lahaa meel ka baxsan am aka sii duwan ayuu u muuqda inuu ku socda ama uu u dhaqan galayo, maanta awoodii dowladda dhexe iyo tii maamul goboleedyada mid siman ayay u muuqdaan, hadii dowlad kale xiriir la yeelan karto ama xiriirka u goyn karto maamul goboleedyada awood la mid noqoneysa dowladda dheexe soo ma noqoneyso”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay af cad kula hadasho dowladdaha fara gelinta ku haya ee ku xadgudbaya qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

“Dowladaha xadgudubka ku sameynaya ee u soo dhacaya Qaranimada iyo Madax banaanida waa in dowladda af cad kula hadasho caalamka tusto dowlad ku tumaneysa shuruucda dalkeeda, kuna xadgudbeysa dastuurka u yaala, ma ahan in dowladdu ka xishooto ama gacan gadaal ka baqeysa inay noqoto”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Maamul goboleedyada dalka ayaa dhowaan sheegay inay taageersan yihiin isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee xiriirka u jaray Qatar, iyagoo dowladda Federaalka ugu baaqay inay dib u eegto go’aankii ay ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.