Muxuu salka ku hayaa khilaafka maaamulka hirshabelle halkaan ka ogow:

Calawsanaan Siyaasadeed, Gilgilka Hoggaankii Maamulka Hirshabelle iyo Xil ka qaadis  is-barbar socota, Is-qabqabsi iyo saamayn halisteeda hagoogsan ayaa waxaa laga dareemi karaa Jilitaanka Siyaasadeed ee haatan u dhexeeya Garabyadda DG Hirshabelle.
Waa Xiisad Siyaasadeed oo walaac xambaarsan, waa arrin khatar ku ah Dhismaha DG Hirshabelle oo ah Maamulka ugu da’da yar Maamul-gobaleedyadda ka jira dalka.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaana lala yaaban yahay waxa ka socda Xarunta Dhexe ee Maamulka Hirshabelle  ee Jowhar, waxaana uu Khilaafkaasi  keenay in xilka laga qaado Madaxweynihjii Sharciga ee Maamulkaasi, Cali C/llahi Cosoble, kadib, markii lagu eedeeyey Xil-gudasho La’aan iyo in Maamulkiisa noqday Fadhiid iyo inuu noqday Madaxweyne Socdaal badan.

Hal maalin kadib, Xil-ka-qaadistiisa waxa uu isagana abaabulay Xildhibaano, iyagana xilka ka qaaday Guddoomiyihii Barlamaanka Hirshaballe, Sheekh Cusmaan Barre, lana magacaabay Guddoonka Cusub ee Barlamaankaasi..

Xeeldheerayaassha ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Cosoble ka habaabin Hannankii uu xal ugu heli lahaa Moosshinkii Xilka looga qaaday,waxayna isaga iyo Xildhibaanadda taageersan qaateen Go’aan uu ka muuqday Sal-fudayd Siyaasadeed.

Calawsanaantaasi waxaa sii hurinayo Hadalkii Madaxweyne Cosoble ku sheegay inay DFS ka dambayso Ololka Siyaasadda ee Hirshabelle, wuxuuna si mutuxan DFS ugu eedeeyey Go’aankii Dhexdhexaadka ee ay ka qaadatay Xiisadda Khaliijka.

Xildhibaanadda ka soo jeeda Hirshabelle ee ka tirsan Golaha Shacabka Barlamaanka Federalka iyo Aqalka Sare ayaa iyagana Muqdisho ka hagay Mooshinka Xilka looga qaaday Madaxweyne Cosoble.

Jawiga Jowhar ayaa ka duwan sidii hore, waxaana halkaasi ku wada sugan Labo Madaxweyne, Labo Guddoomiye Barlamaan, Ku-xigenadooda, waana Mashaqo Siyaasadeed oo Khatarteeda leh.

Waxayna arrinkaasi horseedi kartaa inuu Maamulka burburo, Fowdada baahdo iyo in Beelaha Walaalaha ee ku mideysnaa Maamulkaasi la kaladhexdhigo Kalsooni-darro, in la joojiyo isku-socodka iyo in Mustaqbalka Degaanadda Hirshabelle laga sameeyo Sohdimo Khad Cagaaran leh.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhgaqanka ee Hirshabelle, waxaa la gudboon inay arrinta soo kala dhex galaan, isla markaana ay sameeyaan Gurmad Badbaado, si aysan u sii fogaanin Khilaafka Hirshabelle ee haatan khatarta ugu jira inuu sii kala burburin, illayn danta guud kuma jirto in lagu sii nagaado Fowdada ka dhex aloosan Madaxdii Hirshabelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.