Deg,deg nabadoon lagu dilay duleedka degmada mahadaay

nabdoon

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in nin hubeysan uu ku dilay tuulo lagu magacaabo Shaan, nabadoon lagu magacaabi jiray Xasan Aweys Alla-Yaqaan.

Nabadoonka ayaa la dilay, isagoo ka yimid beer uu ku lahaa deegaankaas, kuna soo jeeday deegaanka Buurane.

Wararka ayaa sheegaya in nin ku hubeysnaa qoriga AK47 uu dilay nabadoonka, dabadeedna uu ka qaatay mooto uu watay.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu u baxsaday deegaanada dhaca galbeedka Shabeellaha Dhexe, oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Halka lagu dilay Nabadoonka ayaa ku dhoweyd saldhig Ciidamada AMISOM ay degenaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.