Allaha Unaxariisto Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Dowladii Dhexe ee Soomaliya oo Geeriyooday

Alla ha u naxriistee waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Dowladii Dhexe ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Jaamac Barre.

Alla ha unaxriistee waxaa uu dalka ka soo qabtay xilal kaladuwan, waxaa uu mar ahaan ra’iisul Wasaare ku xigeen, iyo xilal Wasiir.
Sanadkii 1937 ayuu marxuumka ku dhashey magaalaad Luuq ee gobolka Gedo Da’diisu waa waxay ahayd 79, waa Walaalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Max’ed Siyaad barre, isagoo inta badan wax barashadiisa aas aasiga ah uu ku qaatay dalka gudihiisa, 1960 ayuu waxbarashada PHD ka diyaariyay Jaamacad ku taala dalka Talyaaniga.
Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda dowladdii Dhexe 1977, isagoo muddo kadib loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeen 1987.
Waxaa uu ifka kaga tagay Caruur kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.