Wax ka ogow Khilaafka soo kala Dhex galay Musharrax Muuse biixi Iyo Saylici & Qorshaha KULMIYE iyo C/raxmaan cirro

August(Gedo times)-Musharraxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyo sidoo kale, Murashaxa Madaxeweyne ku-xigeenka ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Ismaacil (Saylici), ayaa markale khilaaf madmadow wada-shaqeyntooda uu soo ifbaxay, taasoo sababtay in labada musharrax si foolk-fool ah uga wada-hadleen Doorashada soo socota iyo sidii ay isula jaan-qaadi lahaayeen, ka hor xilliga Doorashada. Ma jiro War madax-banaan oo kasoo baxay dhinacyada arrinkani khuseeyo.

Hase-yeeshee Warar  helay Gedo times ilo rasmi ah, ayaa tibaaxay in khilaafka labada Musharrax oo soo jiitamaayey ila Bishii Ramadaan uu hadda gaadhay meel xasaasi ah, isla markaana Musharrax Muuse Biixi iyo xubnaha la fikirka ah hadda ku hawlan yihiin sidii ay meesha uga saari lahaayeen Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Ismaacil Saylici, una raad-san lahaayeen bedel ku haboon jagadaas, ka hor intaan la gaadhin waqtiga Doorashada.

Waxa kaloo, Wararka isla arrinkan la xidhiidha intaa ku darreen in labada Musharrax Muuse iyo Saylici marar badan ka wada hadleen khilaafkooda, hase-ahaatee kulamadoodaasi aanay noqon kuwo Daawo loogu helo is-faham waagooda mudada dheer soo jiitamaayey. Waxana Wararku xuseen in labada Musharrax ee Kulmiye kulankoodii u dambeeyey ay is-waydaarsadeen Weedho Kakan, ooh aba-yaraatee garowshiiyo aan lahayn, kaddib markii sida xoggaha lagu sheegay Murashaxa Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici ka gaws adaygay inuu dhankiisa muraashada u biyeysto Oloollaha Xisbiga Kulmiye, waxxana illuhu tibaaxeen in Md. Saylici diidmada qayaxan ee arrinka ollolaha dhankiisa uu ku sababeeyey inaan Doorashaddu usoo wadin wax ka duwan Mansabka uu Maanta hayo ee Madaxweyne ku-xigeenka, sidaas darteed aanay shiddo badan ku hayn Guusha iyo Guul-darrada Kulmiye.

Geesta kale, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo xullufaddisa ku wehellisa arrinkan, ayaa la sheegay inay isla qaateen sida ay munaasibka u tahay bedellaada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ka hor waqtiga doorashada, waxanay xogguhu intaa raaciyeen in Murashax Muuse Biixi iyo garabkiisu hadda ku hawlan yihiin sidii arrinkaa ay u meel-marin lahaayeen, iyagoo docda kalena sida illuhu xuseen ay isla waafaqeen in bedelka jagada Saylici la siiyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali faarax, oo ay Musharrax Muuse Biixi soo wada marreen waayo badan oo xasuustooda leh.

Inkastoo labada Mujaahid Muuse iyo Cabdiraxmaan Aw Cali aakhirkii xidhiidhkoodii dheera uu ku dhamaaday Ax iyo Way, kaddib markii Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ka taliyey inaanu Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax faa’iido u lahayn Xisbiga Kulmiye inuu sii ahaado Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana bedelkiisa la keeno shaqsi aanay isku Ardaa ahayn Madaxweynihii waqtigaa Md. Daahir Riyaale Kaahin, sidaasna Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali uu ku waayey Musharraxii Madaxweyne ku-xigeenka Kulmiye, bedelkiisana uu ku yimi Md. Saylici.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.