Madaxweynaha turkiga oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee soomaaliya ufadhinayo dalka turkiga

August 16 (Gedo times) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaas Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed (Jaamac Ceydiid).

Safiirka cusub Soomaaliya u fadhin doona dalka Turkiga Jaamac Ceydiid ayaa si hab maamuus sare loogu soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Mr Ceydiid, waxaa uu noqonayaa safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawdo Turkiga tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo Turkiga iyo Soomaaliya xiriirkooda dib u bilowday, kaddib markii Turkiga u soo gurmaday Soomaaliya.

Jaamac Ceydiid ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaa uu ka mid yahay saddex Safiir oo uu Madaxweynaha magacaabay markii uu xilka la wareegay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u magacaabay Saddex Safiir oo kala ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Baalle, kaasoo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay, sidoo kale waxaa horaantii bishii May uu C/raxmaan Ceynte u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee UK, inkastoo aan wali waraaqaha aqoonsiga laga guddoomin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.