WaxBadan Ka Ogow Cabdi Cali Raage iyo Halka uu Ku Dambeeyey

rage

Waxaan Maqaalkan Ku eegi doonaa warar ay qorayeen Maalmahan qaar ka mid ah shabakadaha Soomaalida kuwaas oo Sheegayay in Abdi Ali Raage iyo Madaxwaynaha Jubaland Md. Axmed Maxamed Islaan uu Soo Kala Dhex galay Khilaaf Xoogan,

Hadaba Qodobada aan Is Dul Taagayno
Waxaa Ka mid ah:
Waa Kuma Abdi Ali Raage?
Abaal Noocee ah ayuu Ku Leeyahay Jubaland?
Kaalintee ayuu Ku lahaa dhisitaankii Jubaland?

Ma jiraa Khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Raage
Yaa soo allifay sheekada aan jirin ee ku saabsan khilaafka beenta ah. ?

Sida ay Lawada Socdaan Dad badan Oo Ka mid ah Shacabka Reer Jubaland, Abdi Cali Raage oo Hada Ah La taliyaha Madaxwaynaha Jubaland Waxaa uu Ka mid ahaa Shakhsiyaadkii Fara Ku Tiriska ahaa ee Sida Wayn uga Soo Qayb qaatay Halgankii Midha Dhalka ahaa ee Lagu Xoreeyay Deegaanada iyo Dagmooyinka Jubaland
ayadoo Waliba Dadka Xog ogaalka u ah ay Ku Tilmaamaan inuu ahaa nin wax badan u hurey xoreyntii Jubaland,

ayadoo ay Taasi Jirto Shacabwaynaha
Jubalandna ay Badanaa Kawarqabaan ayaa Hadana waxaa Jiro Shakhsiyaad Badanaa Kashaqeeya Sidii ay Warar Xun Oga Gudbin Lahaayeen Madaxda Jubaland Oo asaguba uu Kamidyahay, Shakhsiyaadkaas Waxay Isugu Jiraan Kuwa Ku Sugan Gudaha iyo Dibada Labadaba, Waxaadna arkaysaa Wado Kaste Oo Xun Ayagoo umaraya Kala Gaynta Masuuliyiinta Jubaland iyo Isku Dirkooda, Waana

KHILAAF MIYAA KA DHEXEEYA
AXMED IYO RAAGE,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Marka aan Fiirino Madaxwayne Axmed Madoobe iyo Abdi Ali Raage Wada shaqaynta Ka dhaxaysa Waxaan Ku Tilmaami Karaa Mida Ugu Wanaagsan Waxayna Kawada Shaqeeyaan Danaha Jubaland, Madaxwayne Axmed Waxaa Dhaw rjeer uu Raage Ku amaanay Shaqadiisa Hufan, sida Hawlaha Wada shaqayneyd ee Beesha Caalamka iyo Jubaland ,Hufnaantii Doorashadii Labada aqal ee Jubaland iyo Hawlo Kaloo Badan,

GURYO UU DHISTAY IYO GAARI AAN XABADU KARIN MIYAA JIRA,,,,,

Qoraaladii War Xuma Tashiilka een Kor Kusoo Sheegnay Waxaa Kamid ahaa In Raage uu Guryo Kadhistay Magaalada Kismaayo ,
Islamarkaana uu yahay Ninka Kaliya ee Gaadhi aan Xabadu Karin Kuwata Gudaha Magaalada Kismaayo, Uuna Ka shaqeeynayo Afgambi Madaxwaynaha Jubaland Xukunka Looga Tuurayo,

Hadaba uma Malaynayo in Taas Ka hadal Badan usii Baahan tahay Waayo Waa Hadal Qof Kaxun Horumarka Jubaland uu Hindisay
GURI uu Kadhisto Kismaayo Abdi Ali Raage Waxaa ugu Danbaysay 2005tii Cidkastana Way Ogtahay Midaas ,

GAARIGA La sheegay een Xabadu Karina Waxaa Wata oo Kaliya Madaxwayne Axmed Shacabka Jubaland iyo Dawladana Markhaati ayay Kayihiin,

AFGANBIGA ay Sheegeen In uu abaabulayo Waxaan Dhihi Lahaa Raage Madaxwayne Axmed Waxaa uu Garab usoo ahaa Tan iyo Xiligii uu Kujiray Dagaalkii Alshabaab Ilaa Maanta Waxaana Lagu Tiriyaa Labada Masuul ee Isugu Dhaw,

MUXUU KUMAQNYAHAY HADA?

Raage Waxaa uu Hada Ku Maqanyahay Shaqooyin Dibada ah oo Danaha Jubaland Looga Shaqaynayo Taas oo Dawlada iyo Shacabka Jubaland inta ay ogyihiin ,

UGU DANBAYN:
Waxaan Dhihi Lahaa Shakhsiyaadka Maciinka Biday Qoraalada, iyo Daacayadaha, ayagoo Kaga Soo
Horjeeda Geedi Socodka Jubaland ,
Madaxda Jubaland Waa Kuwa isku Kalsoon Kana Wada Shaqeeya Danaha Shacabkooda iyo Himilada Wakhtiga Dheer ay Ku Riyoonayeen
ee Wakhtiga yuusan Idinka Lumin, Dadkiina Dhinac Karaaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.