Puntland oo taageertaay isbahaysiga sucuudiga baaqna udirtay dowlada fedraalka (aqriso)

August 16 (Gedo times) Maamulka Puntland ayaa maanta go’aan ka soo saaray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Khaliijka, iyadoo taageertay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo ku qornaa luqada English ayaa lagu sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka inuu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo amniga iyo Ganacsiga ah.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay inay garab taagan yihiin Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta

Waxaa loogu baaqay dowladda Federaalka in dib u eegis ku sameyso go’aankii ay ka istaagtay xiisada diblomaasiyadeed ee Khaliijka, taasoo ay sheegtay inay saameyn ku yeelaneyso shacabka Soomaaliyeed.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka ayaa soo bilowday horaantii bishii June, kaddib markii dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen Qatar, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada.

Dowladda Federaalka ayaa horay mowqif dhex dhexaad ah uga istaagtay xiisadaas, iyadoo cadaadisyo dhowr ah oo dowladaha xulafada la ah Sacuudiga ku saareen inay taageerto ka gaabsatay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.