Xildhibaanada barlamanka aqalka sare oo maanta doortay xubinta gudiga la socodka dib u eegista dartuurka

far

(Gedo times 15-8-17)Xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socota doorashada xubintii banaaneyd ee Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib markii uu xubintaas iska casilay Senator C/raxmaan Faroole.

Illaa afar musharax oo mid ka mid ay tahay haweeney ayaa isku soo sharaxay xubinta guddiga, waxaana hada soo dhamaatay doorashada wareega koowaad.

Xubnaha isku soo sharaxay xubinta Guddiga dastuurka ayaa waxay kala yihiin Shukri Aadan Maxamed, Xasan Cusmaan, C/wali Goonjeex iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa u soo gudbay Senator Shukri Aadan Maxamed oo heshay 16 cod, halka C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 14 cod, waxaana labadan Musharax ay ku tartamayaan wareega labaad.

Ilo ku dhow dhow Aqalka sare ayaa sheegaya inay u badan tahay in Shurki Aadan Maxamed loo doorto xubinimada kursiga, maadaama Beesha Caalamka ay dhowaan walaac ka muujiyeen in xubnaha Guddiga dastuurka labada Aqal aanay xubin haween ah ku jirin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.