Dowlada soomaaliya oo shaacisay inay wada hadal kulla jirto mukhtaar Roobow

robow

(Gedo times:15-9-17) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay wada hadal kula jirto Wadaadka ka soo goostay Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, saacado kaddib markii uu Muqdisho kula hadlay Saxaafada.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shaqsiyaadka ka waantooba falalka argagixisada.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robo

Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.

Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.