Dhageyso:Xildhibaanada Hirshabeelle oo Bilaabay qorshihii Xilka Looga tuurilaha Madaxweyne Cosoble

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa wada olole ka dhan ah Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo si weyn uga soo hor-jeestay illaa 7 degmo oo uu labo todobaad gudahood ku magacaabay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in kursiga  laga tuuro Madaxwaynaha Hirshabeele, iyagoo tilmaamay in badbaado uu u baahan yahay Maamulka Hirshabeelle, maadaama madaxdiisa aysan waxba ka qaban waxyaabihii loo igmaday.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa shirar gaar gaar ah ku yeelanaya magaalada Jowhar, iyagoo  wada qorshe  xilka uga qaadi lahaayeen Madaxweyne Cosoble, waxaana la ogeyn sida ay ugu guuleysan doonaan arrintan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.