Dhagesyo:Gudoomiye Jawaari oo ka warbaxshay Safar Mahiim ah oo uu ku aaday Dalka Dibadiisa

jawaari

Gudoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u amba-baxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka qeybgali doona shirka guddoomiyeyaasha baarlamanada Afrika ee Pan-Africa Parliament oo Soomaaliya xubin ka tahay.

Jawaari ayaa xusay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo arimaha dhalinyarada qaaradda Afrika, sidaa awgeedna Soomaaliya arintaas si weyn u daneynayso maadaama tirada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ay dhalinyaro yihiin isla markaana heerka shaqo la’aantana uu aad u sareeyo.
Hoos kadhageyso Warbaahinta qaran soomaliya oo wareystay Jawaari

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.