Akhriso:Madaxwaynaha Soomaliya oo Magaacabay Lataliyaal Cusub iyo Gudiga taakulaynta Ciidamada

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga dalka, Doorashiiyinka,Amniga Qaranka iyo lataliyaha sare ee Arrimaha Siyaasaddas.

Madaxwaynaha Soomaliya ayaa waxa uu magacaabay Lataliyaha dhanka Amniga Qaranka oo loo magacabaay S/Guuto Axmed Shiikh Maxamed, Madxawyanaha ayaa maalintii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay u magacaabay Mudane Maxamuud Axmed Nuur ( Tarsan ) xilka Lataliyaha sare ee Arrimaha Siyaasadda.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimmo, iyo qaybaha kale ee bulshada.
Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiye-ha Guddiga, Halka Shiikh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye kuxigeen.
Xubnaha kale ee Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada uu Magacaabay Madaxwaynuhu ayaa kala ah:

1. Jen.Cabdulqaadir Cali Diini
2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
3. Prof. Muuse Aadan
4. Maxamed Yuusuf jaamac ( Tigay )
5. Shukri Maxamed Afrax
6. Shiikh Abuukar Bashiir Shiikh Cabdullaahi
7. Shiikh Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )
8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
9. Caasha Abuukar Qaasim
10. Abuukar Shiikh Cismaan
11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow
12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
13. Feysal Weheliye Macalin Cumar
Dhanka kale, Madaxyne Farmaajo ayaa u magacaabay S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac in uu noqdo la-taliyaha Madaxwaynaha JFS ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay xilka la-taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed C/risaaq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.