Akhriso; Sharci yaqaan Cali Somali oo Taageeray Wasiirka Dastuurka, kana horyimid dalabka Baarlamaanka.

Barlaamaanka Iyo Maxkamada Sare.

Diidida baarlamanka Go’aanka maxkamada sare ma aha arrin ku cusub caalamka, waxay ka dhacday dalalka sharciyada ugu horeeyo sida faransiiska, masar, liibiya.
Jaziiradaha tayraan iyo sanaafiir ee isku heesteen sacuudiga iyo masar waxa maxkamada xukunkeeda diiday baarlamanka wayna dureen, waxa ku guuleestay baarlamanka masar ugu danbeyntii kadib in ka badan sadax xukun oo eey maxkamada sare Qaybta Dacwadaha maamulka soo saartay ugu danbayntiina lalaalay.
Dalka liibiya maxkamada Dasturiga waxay xukuntay in mid kamid ah Kal fadhiyada baarlamanka uu yahay mid sharciga aan waafaqsaneen iyo waxii kasoo baxay, waxana duray baarlamanka.
Halka taariikhda Dalka faransiiska eey ka buuxdo iska hor imaadka baarlamanka iyo maxkamada sare, Dhamaana waxaa guuleesanaayey Baarlamaanka.
In kastoo Dowlada lagu qiimeeyo ineey tahay Dowlad ilaalisa sharciga sida eey ugu dhaga nugushahay fullintaanka xukunnada maxkamadaha, hadana ma aha wax ku cusub caalamka is hor istaaga baarlamanka xukunnada maxkamadaha.
Waxaa kaloo arrinkan kaabayaa Qarsoonanta nidaamka siyaasadeed ee Dalka iyo kala saarid la’aanta haay’adaha Dowlada.
Baarlamaanka waxa u furan inuu Duro xukunka maxkamada Dibna loo qaado.
#Baarlaamnka #Ma #qaldano #Maxkamadana #Ma #qaldano #mid #kasta #shaqadiisa #ayuu #heestaa.

Maxaa Xoosh jibriil ku gaar ah ?
Barlamaanka waa hooyada Dalka, Matalaha Dad waynaha dhabta ah, waxuu Dastuurka Siiyey in kastoo ku meel-gaaryahay awoodo Badan, waxaa kamid ah uyeeridda iyo la Xisaabtanka Golaha fulinta, Guddiyada madaxa Banaan, Gudoomiyaasha, iyo Xafiisyada Dowladda oo dhan, ma aha wasiirada kaliya.
Sidaa waxaa xusay Qodobka 69 Ee Dastuurka Dhamaan Faqrooyinkiisa, Faqrada (C) waxay Tibaaxeesa in Qofkii diido Hor imaanshaha Baarlamaanka Dib u Eegis lagu sameen karo xilkiisa ( Laga Qaadi karo)Dhamaan Dadka ku xusan QodobkaHore ma aha wasiir kaliya, Markii Muran ka qarxo Haay’daha Dowladda Waxaa Go’anka kama danbwenta ah Leh Garyaqaanka guud, sida ku xusan Xeer L.18 Ee soo baxay jennaayo 1976 Dhismaha iyo Qaabka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowlada. Q.3aad Howsha Xafiiska Faqrada X:
Dhexdhexaadinta Khilaaf Kasta ee Qaynuuni ah ee ka dhasha xubnaha Dowladda Dhexdooda, ayadoo ra’yiga Xafiiska loo Aqoonsan doono mid kama danbeyn ah. Hadaba Wasiirka Dastuurka waxuu dhiibtay Aragtidiisa ku Aadan muranka Haay’daha, Waxuuna Taageeray Xukunka maxkamadda si lamid ah Garyaqaanka Guud iyo Xafiiska xeer ilaainta, Su’aasha ayaa ah Maxaa Dib u eegis iyo horgeen loogu sameen waayey Xafiiska Garyaqaanka iyo Xeer ilaalinta oo ka horyimid Go’aanka Baarlamaanka?.
Mida kale Aragtida wasiirka ma aheed mid rasmi ah oo sifadiisa wasiir uu ku dhiibtay
( Official Decision) Mise waa mid ah sifo shaqsi uu dhiibtay oo kamdax banaan xilka (Informal Decision) ?.
Hadii wax laga sheegayey baarlamaanka soo qofka xaq uma leh Naqdinta iyo ishtakada?.
Maxaa #Abdi #Hosh ku gaar ah?.

W/Q: Cali Somali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.