Showgii Fartuun Birimo oo isu badalay Dhimasho iyo dhaawac

birimo

Fanaanadda Weyn Fartuun Axmed Sahal “Birimo” ayaa xalay magaalada Gaalkacyo Dhinaca Galmudug waxayna ka dhigtay Bandhiga Faneeed dad badan kasoo qayb galeen kasoo markii dambe isu badalay dhimasho iyo dhaawac.

Banaan baxo ay soo qaban qaabiyeen Culimada magaalada Gaalkacyo ayaa kadhacay xili ay fanaanadu ku dhex jirtay Bandhigeedii waxay ka dalbadeen culumadu in lajoojiyo heesaha waana ay ka diiday waxayna ku ag qabsadeen Nabi amaan iyo wacdi taas oo markii danbe rabsho ka dhalatay waxaana rabshadaahaas ku dhintay hal qof shan qofna way ku dhaawacmeen.

Goobta rabshadaha kadhinaaceen waxaa soo gaaray ciidamada aminiga qaybta Galmudug dhaawacii iyo dhimashadiina waxaa loo qaaday isbitaalada Magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.