Baaqii Bulshada Gobolka Gedo oo laga Soo jawaabay Xabsigana loo Taxaabay dadkii dilka Ugaystay Maxaabiista Degmada Baladxaawo

xayd

Maamulkii degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo ayaa la xirxiray kadib dilal loo gaystay maxaabiis 4 ah oo ku xirnayd Xabsiga degmada Baladxaawo.

Ciidamada Ammaanka ee gobolka Gado ayaa xabsiga dhigay dhammaan Mas’uuliyiintii degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo, sida Gudoomiyihii degmada iyo Ku xigeenadiisa iyo taliyeyaasha Ciidamada degmada Baledxaawo.

Arrintaasi ayaa xiisad weyn ka dhalisay Bulshada Gobolka Gedo ee ku sugan dalka iyo dibadiisaba ayakoo dhamaantood ka xumaaday dilka loo gaystay maxaabista ku jirtay xabsiga baladxaawo, baaqyo ay diraan bulshada gobolka Gedo ayey horey ugu dalbadeen in sharciga lahor keeno madaxdii ka dambeysey ficilka xun ee lagula kacay maxaabiista.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.