Ciidanka Nabadsugida oo Dilay Maxaabis Ku Xirneed Xabsiga Demagada BaladXaawo

ciidan

Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida Baladxaawo si qarsoodi ah xabsiga ugala baxeen maxaabiis ku xirneyd xabsiga dhexe ee degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadibna ay toogteen, Maxaabiistaan ayaa tiradoodu tahay 4 Rag ah oo ku xirnaa xabsiga degmada Baladxaawo maxaabiistaan marnaba lama horgayn sharciga ama Maxkamad.

Warbaahinta Gedotimes oo wax kawaydiisey dilka maxaabiistaan Maamulka iyo Nabadsugida Baladxaawo ayey u xaaqiijiyeen in dilkaan Jiro lakiin way ka gaabsadeen inay warar dheeraad ah ka baxshaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.