Daawo:Muqdisho Wasiirka amniga oo Habeynimo kormeeray saldhigyada Booliska

ducale

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah saldhigyadda booliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka wasiirka ayaa ku wajahnaa hubinta shaqada Ciimadamada Amniga waxa uuna wasiirku ka hadlay qorshaha lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda iyo uruurinta hubka sharci darrada ah.

Saldhigyada booliiska ee wasiirku xalay booqday ayaa kala ahaa Saldhigyada Kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar Jajab, waxa uuna soo indha indheeyay sida shaqadu u socoto, isagoo warbixin o ka dhageystay taliyayaasha saldhigyadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.