akhriso: Golaha Wasiirada Puntland oo la isku shaan-dheeyay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goordhaweyd isku shaandhaweyn ku sameeyay Golihiisa wasiiradda Maamulkaas, Madaxweynaha ayaa magacaabay Wasiiro, wasiiro kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.
Hoos Ka Akhriso

1. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka

2. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.

3. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.

4. Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

5. Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga.

6. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

7. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.

8. Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

9. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xiogeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.