Dibadbax Lagu Taageerayo Dowladda Iyo Waxqabadkeeda 100-ka Maalin Oo Ka Socda Muqdisho “Dhageyso+sawiro”

far

Madaxweynaha Dowladda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdulalahi(Farmaajo) ayaa Maanta Khudbad dheer ka jeediyay banaabax lagu taageerayay 100,kii Maalmood ee Maamulayay in waxyaabihii u qabsoomay, Munaasabadda waxaa ku suganaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre,Duqa Magalada Muqdisho, wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, ciidanka baambeyda iyo shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka 100-ka maalin ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Lix bil gudaheeda la gaari doono horumar iyo isbedallo badan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ugu horreyn shacabka iyo dowladda oo mid ah lagu gaari garo guulo waaweyn, horumar, amni iyo dib u dhis, Muqdishana ay ka qurux badnaan doonto caasimadaha dalalka Africa.

far

far

far

far

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.