8 Xildhibanada aqalka Hoose oo wal wal Soo food saarey Kadib Markii Maxkamadda Sare ee Dalka oo Amartay in Dib loogu laabto Kuraastaa

bar

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay 8 ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda, Qoraalka Kasoo Baxay Maxkamada sarre ayaa lagu sheegay in maxkamada taageertay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in kuraastaas la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub.
Maxkamada sare ayaa sheegtay inay amreyso in dib doorasho cusub loogu tartamo kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada kala ah.
1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
2. Maxamed Saciid Cabdullahi
3. Maxamed Axmed Abdtidoon
4. Nadif Aadan Isaaq
5. Muna Khalif Sheekh Abu
6. Cabdicasis Salax Carmaan
7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
8. Samra Ibrahim Cumar
Dadka maxkamadda usoo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:-
1. Muumino Sheekh Cumar
2. Aadan Maxamed Cali
3. Khaalid Cumar Cali
4. Maxamed Mukhtar Ibrahim
5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali
6. Malaaq Sidow Maadow
7. Ibrahim Saalax Dayfullah
8. Caasho Xaaji Cilmi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.