Hawlgalkii lagu sugaayey amaanka Muqdisho oo bilowday iyo Hub Lasoo qabtey “Sawiro”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ka qeyb galay Munaasabadda Hubka lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay yihiin Geesiyaal ka hortagay in dhibaato loo geysto Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu intaas ku daray in Ciidamada Howlgalka sameeyay ay yihiin kuwii loogu talo galay Xasilinta Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

QAYRE HUBH KHAYRE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.