Raysal Wasaare Khayre Oo Kulan La Yeeshay Wafdi Ka Socday Jarmalka iyo lacag loogu deeqay Soomaliya

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo maanta soo gaaray dalka,

Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Yuuro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.