Dhagesyo:Bananbax Looga soo Horjeedo Hirshabele Laguna Taageerayo Dowlada Soomaliya oo Kadhacay Baladwayne

bananbax

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar Baladwayne ayaa sheegaya in Boqolal Dadweyne ah oo ka soo horjeeda Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta Dibad Baxyo Rabshado Wata ka dhigay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan kuwaasi oo ku dhawaaqayey Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Hir-shabeelle.

Dadkaan bananbaxayey ayaa waxay isugu jiraan Rag,Haween,Dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna ku Dhawaaqayey “Dooni mayno Cunsuriga Cusub Cosoble Dooni Mayno Qaran diidka, Dooni mayno Maamul Qabyaalad ku Shaqeeya” iyo Erayo kale oo ay ku muujinayaan Sida ay kaga Xunyihiin Go’aankii Madaxwenaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Cosoble uu uga soo Horjeestay Amarkii Dowladda ee ahaa in Dib loo soo celiyo Diyaaradihii Qaadka keeni jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka Amar Qaata Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa Rasaas ku Furay Dadka Dib Baxa Maanta Dhigayey,Balse Dibad baxayaasha ayaa iska Dhaga tiray Rasaasta Ciidamada ay Ridayeen ayagoona socod ku soo maray Xaafadaha Magaalada Baladwayne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.