Dhegeyso:Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Camey Ururka Al Saadicuuna Bil-xaq waa xaaraan

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo maantay shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan urur diimeedka Al-saadicuuna bil xaq, wuxuuna sheegay in Ururka Al Saadicuuna Bil-xaq uu xaaraan yahay dowladdana mamnuucday Puntlandna ay tahay tii ugu horeysay ee go’aan kasoo saarta ururkaasi go’aankeedana sidii hore yahay oo ururkaasi mamnuuc ka yahay Puntland, taasina uu u cadeynayo.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Camey wuxuu dhaliilay in Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Gen Muxiyadiin taliyaha la dagaalanka argagixisada Puntland ay la kulmeen ururkaasi oo ay warbaahinta ka sheegeen war aan dowladda mowqifkeeda aheyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.