Dhageyso:Tababar socdey mudo labo maalmood Schoolka Howl-wadaag ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Caabudwaaq

iskul

Tababarkaan oo ay ka faa’iidaysteen 11 Xubnood ee Gudiga Schoolka Howl-wadaag oo lagu barayay Gudiga doorka ay kuyeelan lahaayeen Schoolka Hoose dhexe ee laga hirgaliyay Xaafada Waabari ee Magaalada Caabudwaaq kaasi oo dhismihiisu marayo heer gabo gabo ayaa waxaa tababarkaan bixinayay Hay’adda CISP.
Dhismaha Cusub ee Schoolka la doonayo in ay ku wareegaan ardeyda iyo macalimiinta Howl-wadaag oo loo dhisay hab casri ah ayaa tababarkaan loo qabtay Gudiga u jeedkiisu uu ahaa sidii Schoolkaasi uu unoqon lahaa School shaqeeya marka ay ku wareegaan Ardeyda iyo Macalimiinta oo dhawaan la rajaynayo in ay ku wareegaan Dhismaha Cusub ee Schoolkaan laga hirgaliyay Xaafada Waabari ee Magaalada Caabudwaaq.
Madaxa Waxbarashada ee Magaalada Caabudwaaq Xasan Axmed Diiriye ayaa sheegay Tababarkaan la soo gaba gabeeyay gudiga uu ahaa sidii Schoolka Dhismihiisu cusub yahay uu noqon lahaa School shaqeeya Marka Xariga laga jaro Bisha Soo socota .
Qaar kamid ah Gudigii ka faa’iidaystay labadii maalmood ee uu socdey Tababarka ayaa sheegay in ay shaqooyinka Schoolka Cusub ay dar dar galin doonaan marka ay ku wareegaan Ardeyda iyo Macalimiinta Schoolka Howl-wadaag dhismaha Cusub ee Schoolka Hoose Dhexe.

iskul

hawl

hawl

hawl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.