Toogasho Lagu fuliyey Rag Loo Soo Qabtay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo”Sawirro”

Maxkamadda ciidamada qalabka ayaa saakay aroortii Xukun dil ah ku fulisay 4-nin oo lasoo qabtay qaraxyadii sanadkii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute, wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku sugnaa halka lagu fulinayay Xukunka dilka.

Ragaan Maanta Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa lagau kala magacaabaayey Siyaad Xasan Faarax,Sharmad Aawow Maxamed,Xasan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan ayaa saakay lagu toogtay Magaalada Baydhabo kadib markii lasoo qabtay qaraxyii sanadkii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Baydhabo.
dil

dil

dil

dil

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.