Madaxda gobolka Banaadir qaarkood oo shaqadii Laga cayriyey

Wararka aan kahelayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar kamida Madaxda Gobolka Banaadir qaarkood xilkii laga qaaday, Horay waxa loo badalay Gudoomiyhii Gobolka banaadir Shiikh yuusuf Xuseen Jimcaal (Madaale) hadana waxaa xilalkii laga qaaday Guddoomiye Kuigeenka Siyaasadda iyo Amniga Maxamed Axmed Diiriye,Ismaaciil Macalin Cabdi Gurre Guddoomiye Kuxigeenkii Maaliyadda , Iimaan Nuur Ikar Guddoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada iyo Xoghayihii Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed aamiin ayaa Xilalkii laga qaaday waxaana la Magacaabay Afar Guddoomiye Kuxigeen iyo Xoghaye Cusub.

Guddoomiye Kuxigeenka Siyaasadda iyo Amniga waxaa loo Magacaabay Saalax Sheekh Maxamed,Guddoomiye Kuxigeenka Maaliyadda,waxaa loo Magacaabay Maluuka Dheere C/qaadir,Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada waxaa loo Magacaabay C/llaahi Cilmi Erag oo loo yaqaanno Xaaji Erag ,halka Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud waxaa loo Magacaabay Aadan Sheekh Cali Fiidow,iyadoo ay Guddoomiye Kuxigeenada noqonayaan Afar,halka Markii hore ay saddex ka ahaayeen.

Xoghayaha Guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale loo Magacaabay Subeyda Maxamed Muqtaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.