Golaha Wasiirada kulankoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho

Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga , ka hortagga Qorshaha Musuqmaasuqa, Joogteynta Xuquuqaha Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada iyo Warbixin laga dhageystay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamadii ka howlgali lahaa Gobolka Shabeelaha Dhexe dhawaan oo isugu jira Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa la hor geeyay qorshaha ka hortagga Musuqmaasuqa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

GolahaWasiirada ayaa ballan qaaday in si joogta ah loo bixin doono Xuquuqaha Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada, Engineer Cabdiraxmaan Cumar Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Warbaahinta uga warbixiyay arrimahaasi ay maanta isla soo qaadeen Xubnaha Golaha Wasiirada.
wasiir

wasiir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.