Dhageso: Muqdisho Rag katirsan Al-shabab oo xukun lagu riday

shabab

Maxkamada ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa saaka oo Khamiis ah waxa ay xukuno ku riday laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay iyaga oo wada gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka waxaana uu sheegay in ragaan lagu helay fal dambiyeedkii lagu soo edeeyey Maxamed Cali Kadiye ina Nuuro Wehliye 32-jir ah ku dhashay Galgaduud Xuseen Xaashi C/laahi ina Maryan Max’ed 27-jir ah ku dhashay Galgaduud Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada ayaa sheegay xukunka labadan ruux inuu noqday min toban sano oo xabsi ciidan ah, qofkii aanan ku qanacsaneyna uu racfaan ka qaadan karo xukunkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.