Deeq ka timid Naasir Cad Ceed oo degan Denmarka oo la gaarsiiyey Bukaanada ku jira Isbitaalka Baardheere(Sawwiro)

bardhere

Deeq lacageed oo ka timid Naasir Cadceed oo ka mid ah Soomaalida degan Dalka Denmark ayaa maanta waxaa raashin gargaar ah loogu qeybiyey Bukaanada qaba Cudurka Shuban biyoodka ee Jiifa Isbitaalka
Baardheere,iyadoo deeqdaasii oo la soo marsiiyey Hay,adda Alraxma Foundation ayaa waxaa lagu wareejiyey Guddiga Caafimaadka ee Isbitaalka Baardheere.

Deeqdan oo ka koobneyd Bariis,Saliid,Baasto iyo Sonkor ayaa waxaa ka mahadceliyey Guddiga Caafimaadka ,Maamulka degmada Baardheere,Guddiga Gusrmadka Abaaraha iyo Culama,udiinka deegaanka oo sheegay gargaarka noocani oo kale ah inuu wax weyn ka tarayo nolosha bukaanada jiifa Isbitaalka , Ehelada kor joogtada ah iyo weliba Howlwadeenada Caafimaadka ee Isbitaalka.

Cabdulaahi Nur Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere iyo Cabdi Aden oo ka mid ah Gudiga Caafimaadka Baardheere ayaa waxay si aad ah ugu dheeraadeen baahida loo qabo gargaarka noocani oo kale ah iyo deeqda ka timid Naasir Cadceed oo ay ku tilmaameen muwaadin xil kas ah oo ka damqadey dhibaatada ka taagan deegaanka,wxayna ugu baaqeen Qurba joogta soomaaliyeed in talaabada noocani oo kale ah ay qaadan si loogu gurmado dadka ay ku habsadeen Abaaraha iyo Cudurada.
bardhere

bardhere

bardhere

bardherre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.