TOP News : Guuto ka tirsan ciidanka xoogga oo xabsi guri ah xilli maanta loo dabaal dagaayo maalinta ciidanka Xoogga.

ciidan

Xili maanta loo dabaal dagaayo sanadguuradii 57-daas ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xogga dalka soomaaliyeed, caasimadda iyo gobolada dalkane ay dabaal dagyo kajiraan ayaa hadane waxaa jiro ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka oo xabsi guri ku ah Duleedka Magaalada Kismaayo.

Guuto ka tirsan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed xerada 43-aad ee Jubooyinka iyo gedo ayaa sanadkii sadexaad waxa ay xabsi guri ku yihiin Jaamacadda Magaalada Kismaayo kuwaas oo ciidamada Kenya.iyo kuwa Raaskaambooni oo iskaashanaya ay hubkadhigis ku sameeyeen.

Ciidankani oo horay kismaayo dagaal looga saaray hase ahaatee wadalo nabadeed oo lala furay kadib dib u,soo laabtay ayaa qaab mishin ah lagu soo xareeyey waxaana ciidamada Kenya oo beel barataaraya ay hubkoodii ku hareeyeen Kunteenar yaala xerada Jaaamacadda, halka ciidankune ay yihiin kuwo sacabooleey ah oo xerada isaga xareysan.

Dowladii xasan sheekh oo iyadu aheyd tii shirqoolka u maleegtay ciidamadani hubka dhigistoodane raaliga ka noqotay ayaa meesha kabaxday waxaana dhalatay dowlad cusub.

Hadaba dad badan.ayaa isweydiinaya maxay soo kordhineysaa in maalinta sidaan u qiimaha badan in loo dabaal dago hadiiba ciidankii ay aheyd in ay farxad iyo reyreyn maanta oo kale ku dhameystaan hadii ay xabsi guri yihiin Doorka Madaxdani cusubse muxuu yahay oo kaga aadan ciidankaaa u dhintay difaaca qarankooda ma in dowladii hore wadadeeda ay raacaan baa mise in ciidankaas in xoriyadooda ay usoo celiyaan dibne u hawl-galiyaan?.

Gedo Times iyo Akhristayaasheeda waxay jawaabta su’aashaasi kaga fadhiyaan Madaxweynaha Dalka Mudane Farmaajo Raisal Wasaare Kheyre Wasiirka Difaaca Cabdirashiid Cabdulaahi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cirfiid oo ah afarta masuul ee ay sida gaar ah u khuseyso wax u qabashada ciidankaasi xabsi guriga kujira mudada Sadexda sanadoodka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.