Daawo:Madaxwaynaha Soomaliya oo Ka qayb galay xuska maalinta ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed

ciidan

Munaasabadan oo loogu dabaal degayay xuska 57 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed oo ku beegan 12-ka April, laguna qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiro, Xildhibaanno, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo xafladda lagu casuumay.

Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa waxa ay goobta ku soo bandhigeen gaaddo ka cayar, iyagoo watay gaadiidka gadaalka, waxaana dusha sare ka eeganayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisan Tuutaha Xoogga dalka .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.