Dhagesyo:Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lays ka qabto Kooxda Saadicuun Bil-Xaq

Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho waxaana ay bayaan ka kooban  6 Qodob ka soo saareen Kooxda Al-Saaddicuun bil xaq la baxday ee looga dhawaaqay meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Culimada Soomaaliyeed ayaa kooxda ku tilmaamay kuwo caqiidada u qaatay si qaldan islamarkaana umadda Muslimiinta ah gaaleysiinaya.

Waxaa ay culimada Soomaaliyeed uga digtay shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan fikirka kooxdan,waxaana ay ku baaqeen dhowr qodob oo ay ka mid tahay in:

Culimada S0omaaliyeed dadka uga digaan kooxdan iyo afkaarta ay aaminsantahay oo ay sheegeen in ay tahay mid qaldan.

waxaa kale oo ay isla kooxdaas ugu baaqeen in ay Umadda ka daayaan gaaleysiinta kana towbad keenaan hadallada ka soo baxay todobaadkii hore gaar ahaan bayaankoodii 2aad oo xusayay in Dadka hadda jooga oo dhan ay gaalo yihiin loona baahan yahay in ay dib u islaamaan.

Culimada Soomaaliyeed ee ka hadashay kulanka maanta waxaa ka mid ahaa Sheekh Bashiir Axmed Salaad,Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sheekh C/Qaadir Sheekh Maxamed Soomoow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.