Askari AMISOM oo Gaari Jiirsiiyay Wiil Dhalinyaro ahaa oo Xabsi Loo Taxaabay

amisom

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta Xabsiga dhigtay Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM, Askarigaan ka tirsan Ciidamada Amisom ayaa 9-kii Bishaan waxaa uu Gaari jiirsiiyay Wiil yar oo Kirishbooy ah waxaana uu ku jiirsiiyay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Barongo John Bebwa uu si bareer ah wiilka dhalinyaradda ahaa gaariga u jiirsiiyay islamarkaana uu isku dayay in uu baxsado, Ciidamada AMISOM ayaa inta badan la sheegaa in ay Tacadiyo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.