Dhageyso:Somaliland oo Jawabaatey Codsigii Cumalada Soomaliyeed ee ahaa In laga hortago ururka Asaadicuuna bil Xaq

taliyeWararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Mamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Maamulkas ay xabsiga dhigeen saddex ka mid ah xubnaha Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Ururka Asaadicuuna bil xaq.

Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada boolisku xireen raggaan kadib markii la ogaaday inay amniga Somaliland khatar ku yihiin ururkaani,waxaana lagu soo qabtay saddexdaasi xubnood hawlgal ay boolisku sameeyeen oo qaatay in ka badan 8 saacadood.

Waxa uu sidoo kale sheegay Taliyaha booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan in raggaan ka Tirsan Asaadicuuna bil xaq, in dhawaan Maxkamadd lasoo taagi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.