Maqaal : Dowlada Curdanka Taagerideda Waa Shurud La’aan W/Q : Ibrahim Abdishakur Ali-Mire

Maqaal : Dowlada Curdanka Taagerideda Waa Shurud La’aan W/Q : Ibrahim Abdishakur Ali-Mire

 

Goobaha baraha bulshada iyo warbaahinta eey ku kulman Soomalida  aya isbucyadan hareeresay fikiro Kala duwan . Inta badan Shacabka Soomaliyed wexey taagersan yihin Dowlada curdanka oo wexey qaban in waqti la siiyo si eey u Fuliyan barnamijkoda siyasaded oo xiligi ol-olaha balanqaden , balse kooxo kooban Iyo shaqsiyad dano gaar eh leh istacmalayana shaati qabiil ( ma-matalan qaba’ilada Soomaliyed)  aya cadestay dacayada Iyo mucarida hay’adaha dowliga.

 

Shaqsiyadka mucarada Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo Iyo Xukumada uu hormudka u yahay Raisul Wasare Xasan Kheyre  aya ku doodan “qarax aya dhacay oo amniga lama sugin”. Hadaba akhristayal sidad ogtihin dhawaan ayeey ehed markii uu Madaxweyne Farmaajo isbedel dhinaca Taliyasha ciidamada uu sameeyay ( qaarkod wilito xita Xilki ma eeysan la waregin ) . Madaxweyne Farmaajo waa uu ka dhabeyay isbedelki uu balan-qaday balse waa in waqti la siiya Taliyasha ciidamada si eey u dajiyan qorshohoda ( dal 26 sano burbursana amnigisa 3 bari laguma kabi karo ).

 

Goorme la qimeyn kara waxqabadka Dowlada uu hormudka u yahay Madaxweyne Farmajo ? Xukuumad kasto oo timado maalinta eey xafiska la wareegto waxa eey dajiyan qorshe la yirahdo ” 100 days planning of the government ” qorshaha 100ka maalmod. Marki eey dhamaato boqolkas maalmod aya la qimeyn kara waxa u qabsomay Dowlada Iyo wixi u surta gali waayen.

 

Waxan xusuusinaya Shacabka Soomaliyed hadi Dowlada balanqad eey qaaden u surta galiweyso iney fuliyan , eed Iyo dacayad laguma xaliyo balse waala dhiragaliya, Soomalida wexey ku maah-maahda “Gacmo Wadajir Beey Wax Ku Gooyan”. Ugu dambeynti gunanudka waxan leeyahay dalkena waa boog in la dhayo ayeey u baahan tahay ee in la damqiyo uma baahno. Aan Ku Walolwno U Shaqeynta Qaranka Iyo Shicibka Soomaliyed

 

Ibrahim Abdishakur Ali Mire

Falanqeyo Dhinaca Siyasada ( Political Analyst )

Guddomiyaha Urur-Weynaha Kgg

London , United Kingdom

email : ibrahimmire2@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.