Puntland oo Heshiis soconaya 30 sano La Saxiixatay Shirkada DP WORLD

Puntland ayaa la saxiitay heshiis shirkada DP World ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta mudo 30 sano ah lagu wareejiyo dekada Boosaaso, heshiiskaas oo ku saabsan balaarinta dekada magaalada Boosaaso oo laga dhigi doono dekad casri ah oo la jaanqaada dekadaha waaweyn ee adduunka.

Heshiiskan waxaa Puntland u metelayey wefti balaaran oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas dhinaca kale oo ay u matalayeen madaxa shirkada P&O (DPWORLD) mudane. Sultan Ahmed Bin Suleyman iyo masuuliyiin kale oo wehelisay, waxaana dhinca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DPWORLD uu usaxiixay Maamulaha shirkada DPWOLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Heshiiskaan ayaa Dhigayaa in Dekada Boosaaso labalaariyo dhismaheedana lagu dhameeyo 24 bilood gudahood oo kabilaabata maalinta lasaxiixo Heshiiskaan, dhaqaalaha ku baxayana waxaa bixinaya Shirka Dp world ee imaaradka Carabta heshiiskaan waxaa kaloo dhigaya in Dp World 30 sano lagu wareejiyo Dekada Boosaaso.

Maamulaha shirka Sultaan Ahmed Bin Suleyman oo ka hadlay munaasibadii saxiixa heshiiska ayaa sheegay iuu aad ugu faraxsan yahay inay heshiis la galaan dawladda Puntland, sidoo kalena sheegay inay balaadhinta Dekada Boosaaso wax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga iyo isu socdka, dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiskaan ugana mahadcelinayo soo dhawaynta wanaagsan ee ay isu sameeyeen isaga iyi weftigii, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mashuruuca dekeda Boosaaso uu qaynb ka yahay mashaariicda kele ee Dawladdu wado ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
gaas

gaas

gaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.